Daafaca Villarreal Paul Torres Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Daafaca kooxda Villarreal ee Pau Torres ayaa qirtay in uu ku faraxsanyahay wararka la xidhiidhinaya kooxda Man United Laakiin hoos u dhigay wararka la xidhiidhinaya kooxda Red Devils.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican ee u soo baxaya kubada cagta waxana uu xiiso ka helayaa kooxo badan oo reer yurub ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Spain ku soo wajahnyahay Old Trafford iyada oo uu Ole Gunnar Solskjaer u doonayo in uu ku xoojiyo daafaciisa.

United ayaa la rumaysanyahay in ay la xidhiidhay wakiilka Torres si ay ugu qanciyaan in uu xiddigu ku soo biiro kooxda xagaaga.

Xiddiga Torres ayaa heshiiskiisa kooxda Villarreal lagu bur-burin karaa lacag dhan 65 milyan oo euro United ayaana u aragta xiddig ka garab ciyaari kara Harry Maguire.

“Waan ku faraxsanahay in aan xiiso ka helayo koox weyn oo Man United oo kale ah waxa ay ka fal celinaysaa shaqada aan qabanayo”ayuu u sheegay Sport.

“Laakiin aan ayaan uga daganahay arinta, haatan waxa aan jooaa koox weyn waxana aan doonayaa in aan si adag ugu shaqeeyo maalin walba”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE