Leeds Oo Taako U Dhigtay Man United , Bar-bar Dhac Ayay Ku Hishiiyeen

Ka dib ciyaar ay yareed fursadaha la isku helay , Leeds iyo Man United  ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ayna ciyaarayeen kulan horyaalka Ingiriiska ah .

Sheekada qeybta hore : United ayaa kulankaan gashay iyadoo dib u eegeysa rikoorka ay ku leedahay Leeds , balse heer ciyaareed wacan kuma aysan soo muuqaan

United waxa ay tabeysay qeybtaas hore Pogba oo keydka fadhiyay iyo waliba Cavani , ma jirin halis gilin muuqata ay sameeyeen marka laga yimaado hal fursad Rashford laga bad baadiyay .

Hab ciyaareedka United waxa uu ahaa mid si sahal ah loo aqrisan karo waxa ayna Leeds ciyaarayeen kubad cagta cagta la isu saarayo (Man To Man)

Inkastoo United kubadda in yar ku sareeyeen hadana kama aysan faa`ideysan Free Kick-yada ay halayeen

Qeybta labaad , biloowgii kubadda waa ay u furneyd labada dhinac isma halis gilin waxa ayna maciin bidayeen kubadaha dhaadheer maadaama daafaca labada koox uu ahaa mid aad u wacan
Leeds daqiiqaddii 74-aad fursad xaqiiq ah ayay iska qasaarinayeen waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

United waxa ay daqiiqadii 6-aad soo giliyeen Pogba oo loo saaraay Daniel James, waxa ayna United bilaabeen in kubadda gaarsiiyaan goosha Leeds balse albaab waliba waa xernaa waxa ayna sameynayeen isku dayo kala duwan .

United kubadda iyaga ayaa in yar ku badnaa balse Leeds waa foojignaayeen xilli Ole Gunner daqiiqadii 85-aad uu soo giliyay Cavani oo loo saaray Marcus Rashford halka daqiiqadii 89-aad la soo giliyay Van de Beek oo loo saaray Fred balse dhamaaan badaladaas ma mira dhallin waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah .


Source: laacibfm

SHARE