Man City Vs Tottenham: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Final-ka Carabao Cup-ka.

Kooxaha Tottenham iyo Man City ayaa isku diyaarinaya Final-koodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan iyaga oo isku arki doona garoonka Wembley kulan ka tirsan Final-ka tartanka Carabao Cup-ka.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waliba raadinaya ku guulaysiga 3 koob xilli ciyaareedkan waliba doonaya in ay ka bilaabaan koobka Carabao cup-ka oo ay ku guulaysteen sanadihii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo badalay tababare Jose Mourinho waliba ku jira qaab ciyaareed aan fiicnayn isla markaasna doonaya in ay ku guulaysiga koobka ku badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda.

Ka hor kulanka shabakada Whoscored ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo saacado yar inaga xigaan kulanka.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay kooxda Tottenham kaliya ku leeyihiin shaxda 3 xiddig.

Image

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE