Man United Oo Heshay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Cristiano Ronaldo.

ka tagista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus ayaa soo dhawaanaysa kadib 3 sano oo uu ku qaatay kooxda ka dhisan magaalada Turin iyada oo uu xiddiga reer Portugal go’aansaday in uu isaga tago kooxda.

Arintaas ayaa dabka ku shiday wararka la xidhiidhinaya kooxdiisii hore ee Man United.

Juventus ayaa ku dhaw in ay seegto ku guulaysiga horyaalka Serie A-da markii ugu horaysay tan ilaa 2011 wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaana ka shaqaynaya in uu xiddiga u helo koox cusub.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu Ronaldo diyaar u yahay in uu ku laabto kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United heshay wado u fududaynaysa saxiixa xiddigeedii hore xilli ay kooxdu ku jirto xaalad dhaqaale xumo sabab la xihdiidha xanuunka Korona.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Juventus u soo bandhigto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba waliba labada xiddig is dhaafsadaan iyada oo ayna wax lacag ah kala qaadan.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE