Man United Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarinaysa Xiddig Wacdaro Dhigaya Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca baidix uga ciyaara kooxda ee Luke Shaw.

Xiddigii hore ee Southampton ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale 40 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Shaw ayaa la rumaysanyahay in uu kooxda kula jiro heshiis ilaa xagaaga 2023 ah laakiin United ayaa doonaysa in ay miiska u saarto heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 190 kun oo Gini.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Man United hal sano oo kale ku darayso heshiiska haatan ee xiddiga si uu kooxda u sii joogo ilaa xagaaga 2024.

Shaw ayaa xilli ciyaareedkan ka badbaaday dhaawacyo isaga oo kooxda guud ahaan u saftay 179 kulan tan ilaa markii uu kaga soo biiray Southampton xagaagii 2014.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE