Milkiilayaasha Man United Oo Ogolaaday In Ay Iska Iibiyaan Kooxda Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Milkiilayaasha Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansadeen in ay iska iibiyaan kooxda kadib ceebtii ka soo raacday tartankii Fashilmay ee Super League.

Milkiilayaasha Man United ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso kooxda laakiin hal shardi ku xidhay in ay aqbalaan dalabyada uga imanaya dadka xiisaynaya in ay iibsadaan kooxda.

Qoyska Glazers ayaa hogaaminayay kooxda Man United muddo 16 sano ah waxana ay diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan kooxda hadii ay helaan dalab dhan lacagta ay doonayaan in ay ku iibiyaan.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Milkiilayaasha Man United diyaar u yihiin in ay iibiyaan kooxda hadii ay helaan dalab lacageed oo dhan 4.6 bilyan euro.

Milkiilayaasha Man United ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib fashilkii tartanka Super League oo ay Man United ka mid ahay kooxihii aas-aasay.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE