Ronald Koeman Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Barcelona, Maxaa Soo Kordhay?

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa haatanba xaqiijiyay in uu xilli ciyaareedka dambe sii hogaamin doono kooxda Barcelona.

Tababaraha reer Holland ayaa rumaysan in uu sii ahaan doono tababarhaa kooxda Barcelona waxana uu ka hadlay in uu haysto kalsoonida madaxweynaha cusub ee kooxda ee Joan Laporte.

“Madaxweynuhu waxa uu ii muujiyay kalsooni iyo taageere maalintii ugu horaysay ee uu kooxda yimid”ayuu Ronald Koeman yidhi.

“Ilaa inta ay dhacayso wax sidaas ka duwan wax walba sideeda ayay ahaan doontaa”.

“Sidaas darteed waxa aan aaminsanahay in aan xilli ciyaareedka dambe sii hogaamin doono Barcelona sababta oo ah heshiis ayaan kula jiraa kooxda”.

“Hadii ayna wax sidaas ahayn waan wadahadli doonaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE