Wargayska AS Oo Kashifay Wakhtiga Uu Sergio Ramos Ku Soo Laaban Doono Kulamada Real Madrid.

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ku soo laaban doono kulamada kooxdiisa kadib marka uu ka soo kabsado dhaawaca.

Xiddiga Sergio Ramos ayaa kooxdiisa uga maqnaa dhaawac kulamadii ugu dambeeyay isaga oo sidoo kale laga helay xanuunka Korona intii uu ku jiray ka soo kabashada dhaawacii uu qabay.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Sergio Ramos ku soo laaban doono kulamada kooxdiisa 5 bisha May kuna beegan lugta 2-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka champions League ay la ciyaari doonaan chelsea.

Si kasta ha ahaatee Sergio Ramos ayaa daqiiqado ciyaari doona kulanka Osasuna ee horyaalka La Liga ee 1 bisha May ka hor inta uuna ku bilaaban shaxda kooxdiisa kulanka Chelsea.

Kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos ayaa dhaawac ku seegay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE