Xiddig Muhiim U Ah Chelsea Oo Seegi Doona Kulanka Real Madrid Ee Champions League.

Waxa la filayaa in uu xiddiga khadka dhexe eee Mateo Kovacic ka maqnaan doono kulanka ay kooxdiisa chelsea la ciyaari doonto kooxda Real Madrid salaasada kulan ka tirsan lugta 1-aad ee semi-final-ka champions League.

Sidoo kale tababare Thomas Tuchel ayaa si maldahan u sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ka maqnaan karo kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Los Blancos.

Kovacic ayaa ka maqan kooxada chelsea tan ilaa markii uu ku dhaawacmay kulankii Fc Porto waxana uu seegay 3=dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu kulanka Real Madrid dhakhso ku yahay Isaga sababta oo ah muddo tababar lama qaadan kooxda waxana aan haatan haysanaa laba maalin si aan ugu diyaar garawno kulanka”.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda chelsea marka la eego qaab ciyaareedka uu xiddigu ku jiray kulamadii ugu dambeeyay iyo in ay Real Madrid khadka dhexe ku fiicantahay kuna dili karto chelsea booskaas.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro


Source: laacibfm

SHARE