Liverpool Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Laga Nacay Barcelona.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti iyagoo raadinaya daafac kale oo cusub, sida lagu sheegay wararka.

Liverpool ayaa daafacyo gar-gaar deg-deg ah ula soo saxiixatay xiddigaha Ben Davies iyo Ozan Kabak suuqii January kadib markii ay dhaawacyo muddo dheer ah ku waayeen Virgil van Dijk iyo Joe Gomez.

Jurgen Klopp ayaa sidoo kale dhaawac ku waayay Joel Matip tan ilaa bilowgii sanadkan taas oo keentay in ay kooxdu ku dhibaatooto qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay kooxdu laba daafac keentay suuqii January wargayska The Boot Room ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool wali doonayso in ay sii wado xoojinta daafaca dhexe.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool dononayso saxiixa xiddiga Kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti kaas oo ka baxay qorshaha tababare Ronald Koeman ee kooxda Barcelona.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE