Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa U Ciyaara Oo Ku Biiri Doona Man City.

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa dad badan ka yaabiyay kadib Ku guulaysigii Man City ee koobka Carabao Cup-ka isaga oo xaqiijiyay in daafaca Eric Garcia uu ku biiri doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaaredkan.

Garcia ayaa kaliya ku bilowday 2 kulan Premier League xilli ciyaareedkan waxana sidoo kale laga reebay shaxda kulankii Final-kii Carabao Cup-ka ee ay Tottenham garaacday Tottenham.

Xiddiga 20 jirka ah ayuu heshiiskisia kooxda Man City dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda hogaaminaysa premier League.

“Eric Garcia waa mid ka mid ah xiddigaha aan ugu jecelahay”ayuu Guardiola yidhi.

“Waxa aan aaminsanahay in uu Eric u dhaqaaqi doono kooxda Barcelona”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE