Raphael Varane Oo Afka Furtay Kana Hadlay Mustaqbalkiisa Xilli Uu Xiiso Dhab Ah Ka Helayo Chelsea & Man United.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa ahaa Xiddiga Real Madrid ee loo doortay inuu la hadlo saxaafada ka hor kulanka semi-finalka Champions League ee Salaasada ay wajahayaan Chelsea.

Xiddiga reer France ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid iyada oo uu heshiiskiisa kooxdu dhici doono xagaaga 2022 sidoo kale lala xidhiidhinayo kooda chelsea ee ay kooxdiisu ka hor tagi doonto Champions League.

Laakiin Varane ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa isaga oo sheegay in uu kaliya diirada saarayo xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna diirada saarin mustaqbalkiisa kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Varane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Mustaqbalkaygu wuu iska cadyahay, waxa aan haatan diirada saarayaa xilli ciyaareedka”.

“Waxa aan ku jirnaa wakhtigii ugu xasaasinaa xilli ciyaareedka sidaas darteed waxa aan doonayaa in aan kaliya diirada saaro waxa i hor yaala kaas oo ah waxa ugu muhiimsan”ayuu sii raaciyay

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE