RASMI: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Daafaca Eric Bailly, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugay.

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixday Heshiiska daafaca dhexe ee Eric Bailly kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Man United.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2024 ah iyo waliba hal sano oo dheeraad ah taas oo la macno ah in uu kooxda sii joogi doono ilaa xagaaga 2025.

Daafaca dhexe ayaa ku soo biiray kooxda Man United xagaagii 2016 isaga oo kaga soo biiray kooxda Villarreal waxana uu kooxda joogay muddo 5 sano ah waxana oo kooxda u ciyaaray kulamo badan.

Xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara ee Eric Bailly ayuu shaki ku jiray mustaqbalkiisa kooxda Man United kadib markii uu ka baxay qorshaha Tababare Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkan.

Laakiin Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddiga 27 jirka ah qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah iyo hal sano oo dookh ah sidaasna ugu hibeeyay mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE