RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Chelsea.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Chelsea kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-final-ka champions League.

Tababare Zidane ayaa dib u helay xiddiga khadka dhexe ee Kroos kaas oo dhaawac ka soo kabsaday kadib markii uu ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Sidoo kale waxa Liiska ku soo laabtay xiddiga Eden Hazard kaas oo ka hor tagi doona kooxdiisii hore ee chelsea kulanka champions League ee habeen dambe dhici doona.

Laakiin waxa ka maqan Liiska xiddigaha Ferland Mendy iyo waliba Sergio Ramos kuwaas oo dhaawac ku seegay kulankan muhiimka u ah kooxda Real Madrid iyo xilli ciyaareedkooda.

Halkan hoose kaga bogo Liiska xiddigaha Zidane u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha: Courtois, Lunin, Altube.

Daafaca: Carvajal, Militao, Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola, Miguel.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Isco, Arribas, Blancos.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Vinicius Jr, Mariano, Rodrygo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE