Real Madrid Vs Chelsea : Markii Ugu Horeeysay Ayay Labada Koox Ku Kulmayaan Champion-ka

Real Madrid ayaa lugta koowaad ee wareegga semi finalka Champion-ka waxa ay ku marti gilinayaan Chelsea waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo ciyaartii ugu dmabeyesay La Ligaha ay galeen bar bar dhac .

Xogta Kulanka

  • Kulamadii hore ee tartamada yurub ku kulmeen labada koox , dhanka Real uma wacneyn

*Real Madrid ayaa wajahday Chelsea in ka badan kooxaha kale tartamada oo dhan iyadoon wax guul ah gaarin taariikhdooda oo dhan.

Waxa ay 1971-kii ay isku arkeen finalka Cup Winners min hal gool ayay kulanka hore ku hishiiyeen xilli ku celiska Chelsea ku badiyeen 2/1 , sidoo kale 1998 ayay ku kulmeen Uefa Super Cup final waxaana hal gool ku badisay Chelsea

*Kulankaan waxa uu noqonayaa kii 163-aad ee tartanka Champion-ka oo kooxo Ingiriiska iyo Spain dhex mara , kooxaha Ingiriiska waa ay badiyeen afar kulan oo qeyb ka ah 7-dii kulan ee ugu dambeeysay ee Spain ka hor tageen , laba bar bar dhac iyo hal guul darro ay wataan.

* Chelsea ayaa markii 8-aad ciyaareysa wareegga semi finalka Champion-ka waana kooxda ugu badan ee Ingiriiska ah

* Rela Madrid waa markii 14-aad ee ay imaanayaan semi finalka Champion-ka

* Chelsea kaliya hal jeer ayay guul dareysteen lugta koowaad ee semi finalka ka ciyaareen 7-dii kulan ee hore , laba badis iyo 4 bar bar dhac

* Real waa ay badiyeen lugta hore ee semi finalka Champion-ka ka ciyaareen 9 jeer oo qeyb ka ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegga bug buxda halka kaliya hal kulan ay guul dareysteen

*Macalinka Chelsea , iyadoo Champion-ka la joogo kuma uusan hor kufin Real , hal badis iyo sedex bar bar dhac ah ayuu ka wataa


Source: laacibfm

SHARE