Supercomputer Oo Sameeyay Saadaasha Koxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Tartanka loogu jiro 4-ta boos ee ugu sareeya premier League ayaa sii xoogaysanaya xilli 5 kulan oo kaliya ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxo dhawr ah isku baacsanayaan u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Man City ayaa isha ku haysa ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ay kooxda Man united doonayso in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad laakiin 2-da boos ee kale ayaan wali lagu kala bixin.

Kooxda Leicester City ayaa ugu cad-cad in ay labada Manchester kula biirto boosaska champions League iyada oo 2 dhibcood ka horaysa kaalinta 4-aad sidoo kale caawa hal kulan gacanta ku haysata.

Chelsea ayaa dhankeeda ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo iyaga oo 3 dhibcood ka horeeya kooxda kaalinta 5-aad ku jirta ee West Ham halka ay 4 dhibcood ka horayso kooxda Liverpool ee kaalinta 6-aad ku jirta.

Kooxaha Tottenham iyo West Ham ayaa dhankooda ku jira tartanka boosaska champions league xilli 5 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Shabkada Football Web Pages ayaa saadaalisay kooxaha u soo bixi doona champions League xilli ciyaareedka dambe kuna dhamaysan doona kaalmaha ugu sareeya horyaalka premier League.

Kooxaha Leicester City iyo Liverpool ayaa si lama filaan ah loogu saadaaliyay in ay Man City iyo Man United u raaci doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedkan.

3 – Leicester – 69 Dhibcood

4 – Liverpool – 66 Dhibcood

———————————————–

5 – West Ham – 66 Dhibcood

6 – Tottenham – 64 Dhibcood

7 – Chelsea – 64 Dhibcood

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE