Tartanka Horyaalka La Liga Oo Xiiso Gaar Ah Yeeshay & 4 Kooxood Oo U Tartamaya Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.

Horyaalka La Liga ayaa noqday mid sii yeelanaya xiiso gaar ah oo uuna lahayn sanadihii ugu dambeeyay xilli la galay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka 2020/2021.

Kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Atletico Madrid ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Athletic Club halka ay Real Madrid bar-baro la gashay kooxda Real Betis kulamadii todobaadka 33-aad.

Natiijooyinkaas waxa ka faa’iidaystay kooxaha Barcelona iyo Sevilla kuwaas oo ku dhawaaday kooxaha ka dhisan Madrid ee Real iyo Atletico Madrid xiisana u sii yeelay horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa haatan kaliya 2 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Atletico Madrid waxana ay hogaanka horyaalka ku qaban doonaan hal dhibic hadii ay badiyaan kulanka baaqiga u ah.

Arinta xiisaha u yeelaysa horyaalka ayaa ah in ay kaliya 3 dhibcood kala horeeyaan kooxda kaalinta 1-aad ku jirta ee Atletico Madrid iyo kooxda Sevilla ee kaalinta 4-aad ku jirta.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE