Thomas Tuchel Oo Tilmaamay Halka Arin Ee Real Madrid Leedahay Ee Wel-Welka Ku Haya Ka Hor Semi-final-ka UCL.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas tuchel ayaa sheegay in ay kooxda Real Madrid leedahay khibrad weyn oo tartanka champions League waliba ayna kooxdiisu doonayn in ay ku aado kooxda Real Madrid.

Kooxahaa Chelea iyo Real Madrid ayaa wada ciyaari doona kulanka lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League waxana ay laabda kooxoodba isha ku hayaan in ay natiijo fiican kala baxaan kulanka.

Thomas Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Real Madrid waa koox ay ka buuxaan xiddigo khibrad leh, lagamana badin 16 kulan laakiin dhankeena waan ku kalsoonahay nateena”.

“Laakiin way nagu adagtahay ku aadista Real Madrid ee wareegan sabab la xidhiidha khibarad weyn ee ay u leeyihiin tartanka champions League”ayuu sii raaciyay.

Labada kooxood ayaa isha ku haya final-ka tartanka champions League marka ay isaga hor iman doonaan labada kulan ee mininka iyo martida ee Semi-final-ka tartanka champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE