Wakhtiga Ay Liverpool Ku Guulaysan Karto Horyaalka Premier League Oo La Ogaaday & Liverpool Oo Ka Caawin Karta Arintaas.

Kooxda Man City ayaa talaabo kale u qaaday ku guulaysiga horyaalka premier League iyaga oo aan xitaa ciyarin todobaadkan kadib markii ay Man United bar-baro gool la’aan ah la gashay kooxda Leeds United.

Kooxda Man United ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Leeds United kulan ka dhacay garoonka Elland Road iyaga oo leh 67 dhibcood iyaga oo waliba ciyaaray kulamada ay Man City ciyaartay.

Arintaas ayaa la macno ah in ay Man City haatan 10 dhibcood ka horayso kooxda Man United iyada oo 5 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka waxana ay Man City u baahantahay kaliya 2 dhibcood si ay ugu guulaysato horyaalka premier League.

Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Crystal palace Sabtida soo socota kulan ka dhici doona Selhurst Park waxana ay hogaanka ku qaban doonaan 13 dhibcood hadii ay badiyaan kulankaas.

Axada dambe kooxda Man United ayaa marti galin doonta Liverpool iyada oo kulankaas noqon karo midkii Man City ku hogaamin lahaa horyaalka Premier League.

Man City ayaa rajaynaysa in ay Liverpool garaacdo Man United si ay ugu guulaystaan horyaalka premier League iyada oo 4 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE