YAAB: Thomas Tuchel Oo Rajaynaya In Ay Real Madrid 10 Xiddig Ku Ciyaarto Kulankooda Champions League.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real Madrid kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka champions League.

Kooxda chelsea ayaa kulanka u soo galaysa in ay natiijo fiican kala baxdo kulanka lugta 1-aad ee lagu ciyaari doono garoonla Los Blancos ka hor kulankooda lugta 2-aad ee tartanka.

Thomas Tuchel oo ka hadlaya ka hor tagista chelsea ee xiddigeedii hore ee Eden Hazard ayaa yidhi”Hadii aad i waydiin lahayd waxa aan rajaynayo ka hor kulanka waxa aan rajaynayaa in ay Real Madrid ku ciyaarto 10 xiddig”.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday waxana ay isha ku hayaan ku guulaysiga koobka champions League markii 2-aad ee taariikhdooda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Source: laacibfm

SHARE