Cajiib! Daawo: Garsoore Joojiyay Kulankii Leicester City & Crystal Palace Si Uu Xiddig Muslim Ah Oo Sooman U Afturo

Kulankii u dhexeeyay kooxaha Leicester City iyo Crystal palace ee horyaalka premier League ayuu garsoorihii dhex-dhexaadinayay sameeyay talaabo cajiib ah xiddiga Wesley Fofana.

Labada kooxood ayaa ciyaarayay kulan premier League ah waxana ay leicester City ku badisay 2/1 iyaga oo sii xoojiyay rajadooda u soo bixista champions League

Kulanka ayaa bilowday 10 habeenimo ee wakhtia Somaliya kuna beegnayd 7-dii fiidnimo ee wakhtiga UK kuna beegnayd wakhtiga la furayay soonka dalkaas.

Garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka ayaa joojiyay ciyaarta daqiiqadii 34-aad ee qaybtii hore markii uu maqlay Aadaanka si uu xiddiga Wesley Fofana u afuro ugana boxo soonka.

Xiddiga Wesley Fofana oo ah muslim ayaa soomanaa waxana uu garsooruhu xiddiga siiyay fursad uu ku cabo biyo sharaab ay ku jiraan faytamiino loogu tala galay xiddiga.

[embedded content]

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.


Source: laacibfm

SHARE