Chelsea & Real Madrod Oo Ku Heshiiyay Bar-Bar Semi-Final-ka Champions League & Blues Oo Faa’iido Kala Baxda Stéfano Di Stéfano.

Kooxaha chelsea iyo Real Madrid ayaa bar-baro ku heshiiyay kulan ka tirsanaa Semi-final-ka champions League kana dhacay garoonka Stéfano Di Stéfano.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid qaab xiiso leh ku bilowday iyada oo labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah waliba ay ka go’nayd in ay dhaliyaan goolal.

Kooxda chelsea ayaa ahayd kooxda fiican qaybtii hore iyaga oo si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta xilli ay Real Madrid u muuqatay kuwo khal-khalsan min khadka dhexe ilaa weerarka.

Blues ayaa ciyaaraysay kubad orod ah oo khal-khal ku riday xiddigaha Real Madrid iyaga oo xiddigaha Maunt, Pulisic iyo Werner dhibeen daafacyada koxda Real Madrid halka khadka dhexe laga haystay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 14-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaan lama filaan ah.

Kooxda Real Madrid ayaa bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin Los Blancos ayaa si weyn uga dhibaatoonaysay dhanka daafaca marka la eego in weerar waliba oo ay qaadaan in uu khal-khal galinayay kooxda Real Madrid.

Xiddiga Karim Benzema ayaa kubad gantaal ah ku laaday goolka Real Madrid waxana uu ku dhuftay birta isaga oo sigay goolka kooxda Chelsea kuwaas oo digniintii ugu horaysay loo diray.

Daqiiqadii 29-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema oo gool qurux badan kooxdiisa ugu dhaliyay goolka bar-baraha kana dhigay ciyaarta.

Chelsea ayaa kadib bar-baraha chelsea u muuqatay kuwo dib u yara gurtay iyaga oo aan sii wadin cadaadiskii ay ku bilowdeen ciyaarta laakiin Xiddigaha chelsea ayaa khadka dhexe ku fiicnaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro yihiin laakiin chelsea ahayd kooxda fiican marka laga hadlo qaab ciyaareedka labada kooxood.

Qaybta dambe:

Kooxda chelsea aya qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay qaab dagan iyaga oo aan ku deg-degayn in ay weerar qaadaan xilli ay difaacanayeen goolka oo ah mid muhiim u ah ka hor kulanka lugta 2-aad.

Real Madrid ayaa dhankeeda awoodeeda isugu gaysay sidii ay gool kale u dhalin lahayd laakiin daafac chelsea ayaa ahaa mid la dhaafi kari waayay xilli ay dhanka kale qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay goolka Real Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro 1/1 ah ku kala bexeen laakiin chelsea haatan faa’iido haysato in ay u gudubto Final-ka champions League.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.


Source: laacibfm

SHARE