Wakhtiga Ay Inter Milan Sida Rasmiga Ah Ugu Guulaysan Karto Horyaalka Serie A-da Oo La Ogaaday.

Kooxda Inter Milan ayaa Axada soo socota si Rasmi ah ugu guulaysan karta horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan kaliya haatan u baahantahay 2 dhibcood si ay ugu guulaysato horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kadib guushiii Hellas Verona ee 1/0 ahayd.

Kooxda Inter Milan ayaa gaadhi doonta 84 dhibcood si ay ugu guulaystaan horyaalka Serie A-da iyada oo kooxda Ac Milan ahayd kaliya kooxda kaliya ee soo qaban karta ka hor itii ayna guuldaradu kala kulmin koxoda Lazio xalay.

Kooxda Antonio Conte ayaa ku guulaysan doonta horyaalka hadii ay Axada garaacdo sabtida kooxda Crotone Sidoo kale kooxda Atalanta ku fashilanto in ay guul ka gaadho Sassuolo Axada kadib markii ay Ac Milan dhibco Lumisay kulankii Lazio.

Xitaa hadii ay kooxaha Ac Milan iyo Atalanta badiyaan dhamaan kulamada uga dhiman horyaalka kooxda Inter Milan ayaa kaliya u baahan hal guul iyo 2 bar-baro si ay ugu guulaystaan horyaalka Serie A-da.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.


Source: laacibfm

SHARE