Warbixin: Saddex Arin Oo Real Madrid Ka Caawin karta In Ay Garaacdo Chelsea Kulanka Caawa.

Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Chelsea kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League kulan muhiim u ah labada kooxood.

Chelsea iyo Real Madrid ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya waliba ka go’antahay in ay guulo ka gaadhaan kulanka si ay talaabo ugu qaadaan final-ka tartanka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigaynaa 3 arin oo Real Madrid ka caawin kara in ay garaacdo Chelsea caawa:

1.Xaalada Thibaut Courtois:

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kulamadii ugu dambeeyay soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah guud ahaana saamayn weyn ku leh natiijooyinka koxdiisa xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka Thibaut Courtois ayaa soo baxaya xilli ayna Real Madrid haysan daafac adag marka loo bar-bar dhigo xilli ciyaareedkii hore waliba sameeyeen khaladaad waaweyn kulamada qaar.

Goolhayaha reer Belguim ayaa door weyn ka qaadan kara guusha ay Real Madrid caawa ka gaadhi karto Chelsea marka loo eego in uu ku jiro qaab ciyaareed heer sare ah.

2.Khibrada Ay Real Madrid U Leedahay Champions League Marka Loo Bar-Bar Dhigo Chelsea:

Real Madrid ayaa mar walba ah kooxda ugu khibrada badan champions league taas oo ay sabab u tahay tirada ay ku guulaystay champions League iyo mudada ay ka qayb gashay tartanka tan ilaa markii la aas-aasay.

Los Blancos ayaa si weyn uga khibrad badan xiddigaha chelsea oo u badan xiddigo da’yar ah walina aan gaadhin heerkan champions League waxana ay arintaas door ka qaadan kartaa guusha Los Blancos ka gaadhon Chelsea.

3.Xaalada Nafsi ahaan iyo dhiiri galin ahaan:

Marka loo eego khibrada kooxda Real Madrid iyo tababarohooda Zidane waxa iska caadi ah in ay xiddigaha Real ku jiraan xaalad naftsi ahaan gaar ahaan natiijooyinkii ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa gaadhay Wareega Semi-final-ka kadib markii ay garaaceen kooxaha Liverpool Iyo Atalanta waxana ay ku jiraan xaalad naftsi ahaan oo fiican taas oo iyaduna ka caawin karta in ay garaacdo chelsea.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.


Source: laacibfm

SHARE