Xulka Qaranka Somaliya Oo Ogaaday Xulka Uu Ka Hor Tagi Doono Is Reeb-Reebka Arab Cup 2021 & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay

Ka hor isku aadka tartanka FIFA Arab cup 2021 waxa la soo saaray kulamada is reeb-reebka ee tartaka.

Tartanka waxa ka qayb galaya 23 xul iyada oo 14-ka xul ee ugu qiimaynta hooseeya ayaa gali doona kulamo is reeb-reeb ah oo hal kulan ah ka hor inta aan tartanka la qaban wakhti dambe oo sanadkan ah.

Kulamada is reeb-reebka ah ee la soo saaray:

Oman (FIFA World Ranking: 80) vs Somalia (197)

Lebanon (93) vs Djibouti (183)

Jordan (95) vs South Sudan (169)

Bahrain (99) vs Kuwait (148)

Mauritania (101) vs Yemen (145)

Palestine (104) vs Comoros (131)

Libya (119) vs Sudan (123)

7-da xul ee soo baxa ayaa wareega Group-yada kula biiri doona 9-ka xul ee ugu qiimaha sareeya ee haatanba boosaskooda sii xaqiiqsaday kuwaas oo kala ah Qatar (58), Tunisia (26), Algeria (33), Morocco (34), Egypt (46), Saudi Arabia (65), Iraq (68), the United Arab Emirates (73) & Syria (79).

Tartanka waxa uu ka koobnaan doonaa 4 Group waxana 16-ka xul ee ka qayb galay loo qaybin doonaa Group-yadaas iyada oo 2-da xul ee ugu sareeya u gudbi doonaan wareega Quarter-Final-ka.

Tartamada ayaa lagu ciyaari doonaa 6 garoon oo haatanba diyaar ah oo ka mid ah xulalka lagu ciyaari doono koobka adduunka sanadka dambe.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.


Source: laacibfm

SHARE