4 Arin Oo Barcelona Ka Caawin Kara Saxiixa Neymar

inkasta oo uu shalay si cad uga hadlay mustaqbalkiisa waliba sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda PSG hadana Neymar ayaa wali ku laabashada Barcelona u arka dookh ka mid ah dookhyadiisa.

Neymar ayaa ka tagay kooxda Barcelona xagaagii 2017 isaga oo ku biiray kooxda PSG uguna biiray heshiis rikoodh ah laakiin waxa lala xidhiidhinayay Barcelona xiddiga Neymar labadii sano ee ugu dambeeyay.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona haysato 4 fure oo ka caawin kara saxiixa xiddiga Neymar marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sababta ugu horaysa ayaa ah in uu xiddiga reer Brazil joojiyay wadahaladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray kooxda Barcelona halka sababta xigta tahay in uu Neyamr xidhiidh fiican la leeyahay madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporte.

Sababta 3-aad ayaa ah in ay fursadan tahay midii ugu dambaysay ee ay kooxda Barcelona dib ugula soo saxiixan lahayd kooxda halka sababta ugu dambaysa tahay in uu Lionel Messi diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda hadii uu Neymar ku soo laabto.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE