Arsenal Oo Ku Biiraysa Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Erling Braut Haaland Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay ku biirto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland laakiin waa hadii uu Maal qabeenka Daniel Ek iibsado kooxda.

Xiddiga Erling Braut Haaland ayaa diirada u saaran kooxo badan oo reer yurub ah kadib markii uu dhaliyay 39 gool sidoo kale caawiye u noqday 7 kale xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Dortmund.

Kooxaha Barcelona, Real Madrid, Man United, Man City iyo Chelsea ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer Norway ee da’yarka ah.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Arsenal sidoo kale ku biiir doonto saxiixa xiddiga Erling Braut Haaland laakiin waa hadii uu Daniel Ek ku guulaysto in uu iibsado kooxda.

Maal qabeenka Daniel Ek ayaa xaqiijiyay rabitaankiisa in uu iibsado kooxda Arsenal laakiin Milkiilaha kooxda ee Stan Kroenke ayaa diidan in uu iska iibiyo kooxda.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE