Barcelona Oo Dib U Soo Cusboonaysiinaysa Xiisaha Xiddig Ay Hora U Doonaysay

Daafaca dhexe ee Matthijs de Ligt ayaa bartilmaameed u noqday Kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa xagaaga.

Inkasta oo uu kooxda u saftay 69 kulan tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2019 hadana daafaca ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Xaalada dhaqaale xumo ee ay kooxdu soo wajahday ayaa keenaysa in ay Juventus ka fiirsato dalabyada u imanaya xiddiga daafaca ka ciyaara ee Matthijs de Ligt.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegaya in ay Barcelona isku dayi doonto in ay la soo saxiixato xiddiga 21 jirka ah marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

De Ligt ayaa kooxda Juventus kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana laga yaabaa in ay kooxdu dalbato lacag aad u badan hadii ay iska iibinayso suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE