Ka Dib Ciyaar Laba Qeyb Aheyd : Man City Oo Guul Ay U Qalantay Ka Soo Gaartay PSG , Hal Lug Ayay Wareegga 4-ta Champion-ka La Galeen

Ciyaar Man City ay guud ahaan maamulkeeda haysay qeybta labaad waxa ay guul ay u qalmeen kaga gaareen PSG oo ay uga talaabsadeen 2/1 xilli qeybta hore ay gacan sareeysay PSG

Sheekadii Labada Qeyb: PSG ayaa nasiinada ugi dirtay Man city hal gool oo nadiif ah wax ayna wada ciyaarayeen lugta koowaad ee wareegga 4-ta Champion-ka waxaana la joogay magaalada Paris .

Tobanka daqiiqo ee ugu horeeyay ciyaarta City kubadda iyaga ayaa ku sareeyay balse meel ay marsiiyaan ayay waayeen oo PSG daafac adag ayay ciyaarayeen waxa ayna ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah

PSG ciyaar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay ciyaarayeen oo sida daafac ugu jiraan ayay weerar gaadmo ah soo qaadayeen waxaana daqiiqaddii 12-aad fursad gool laga bad baadiyay Neymar .
Dhanka halista, PSG ayaa sareeysay waxa ayna daqiiqadiii 15-aad ku heleen gool ka dib kubad uu soo koorneyay Di Maria waxaana madaxa ku dhaliyay Marquinhos .

PSG iyaga ayaa ka dib ka wacnaa halka City kubad taxadar leh ciyaarayeen waxaana jiray fursado goolhayaha City uu ka bad baadiyay PSG xilli dhanka wiilasha Pep iyana mar ay sameeyeen sidaas.

Man City waxaa laga haystay qadka dhexe oo dagaalkaas ayaa loogu guuleystay xilli PSG daafac ahaan ay aad u sareeyeen oo kullamaa kubadda City cagta u gasho waa ay soo wada dagayeen xitaa Neymar .

Halka fursad ee xaqiiq ee City laga bad baadiyay waxa ayna aheyd daqiiqadiii 41-aad waxaana sidaas sameeyay Foden oo kubad xooggan ku laaday goosha PSG waxaana xusid mudan in ciyaartooyda City gaar ahaan Riyad ka sheeganayay qaladaad dhanka baasaska ah

Qeybtaas hore City waxa ay ka sheeganayeen sidoo kale in daafacooda horay qaab ka badbadis ah u soo dhaqaaqayeen waana midda keeneysay in PSG dhowr jeer toos u halis giliyaan goosha kooxda Pep .

Waxaa xusid mudan in City aysna ciyaareyn weerar buuxa waana midda keentay in la jiiri waayo daafaca PSG

Soo laabashadii , biloowgii City iyaga ku sareeyay maamulka kubadda balse daafaca PSG ayay dhaafi waayeen oo xittaa Neymar ayaa noqonayay qofka gu horeeya ee kubadda gooshiisa ka soo fogeeya .

City , aad ayay wacaayeen waliba garbaha ayay kubadooda ka socotay balse bas daafac ah ayaa shabaqa PSG hor taagnaa waxa ayna dhanka kale ku qaldanaayeen in daafacooda qaab ka bad badis ah afka hore ugu soo baxayeen .

City ceebtooda waxa ay aheyd in ay ka dhacayeen qaldaad dhanka baasaska ah , waxa ayna badalkooda ugu horeeyay daqiiqaddii 61-aad ku soo giliyeen Oleksandr Zinchenko oo loo saaray Joao Cancelo

PSG weerar ma laheyn daafac ayayna galeen illaa lagu keenay gool meel dheer uu ka soo qafajaeeyay De Bruyne kaasi oo shabaqa dhigay daqiiqadii 64-aad , waxa ayna City ciyaarayeen kubad cadaadis leh

Ciyaarta hal dhinac ayay noqotay cadaadiska City waxa uu PSG ku aruuriyay aagooda ilaa lagu helay gool labaad oo cajab ah waxaana Free Kick daqiiqadii 71-aad ku dhaliyay Riyad Mehraz .

Man City waa ay ku sii dhawaaneysay goosha PSG halka cadaadiska la saaray uu keenay in qalad weyn uu drissa Gana Gueye ku galo Gundogan waxa uuna kaar cas qaatay daqiiqadii 77-aad waxa ayna PSG badalkoodi ugu horeeyay daqiiqaddii 80-aad ku soo giliyeen Danilo Pereira oo loo saaray Di Maria .

Ka dib kaarka cas , PSG toos ayay u bur bureen oo jir ahaan xittaa waa daaleen  halak city ay dagaal ugu jireen gool sedexaad si lug weyn ula la galaan finalka Champion-ka ee sanadkaan lagu qabanayo magaalada Istanbul ee Turkiga


Source: laacibfm

SHARE