Liverpool Oo Qorshaynaysa In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Xiddiga Jadon Sancho Laakiin Hal Shardi Ayay Ku Xidhay.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi karto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho hadii uu Mohamed salah ka tago kooxda xagaagan.

Xiddiga reer Masar ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu ka tagayo Anfield ka dib markii uu diiday inuu meesha ka saaro in uu mustaqbalka ku biiro La Liga iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Sida laga soo xigtay wargayska Bild, Jurgen Klopp ayaa weerari doona kooxdiisii ​​hore iskuna dayi doona saxiixa Sancho hadii uu Saalax go’aansado in uu ka tago Liverpool xagaaga.

Sancho ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad ee Manchester United suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, si kastaba ha ahaatee Red Devils ayaa diiday in ay bixiso lacagta ay Dortmund ku qiimayso xiddiga ee 120-ka milyan ah.

Liverpool ayaa Salaasadii ku dhawaaqday in ay diwaan galisay khasaare dhaqaale oo sanadka ah sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Reds ayaa u baahnaan doonta in ay iska iibiso xiddigeheeda ugu fiican xagaaga hadii ay doonayso in ay keento saxiixa xiddiga Sancho Anfield.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE