Man United Oo Hal Shardi Ku Xidhay Dib Ula Soo Saxiixashada Cristiano Ronaldo.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United xagaaga xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Juventus.

Wargayska Tutto Mercato ayaa sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Portugal xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Kooxda Man United ayaa xiddiga reer Portugal u sheegtay in uu 50% hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu biiro kooxda Ku ciyaarta Old Trafford suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arintaas ayaa la macno ah in uu xiddigu mushahar ahaan uga qaadan doono 15 milyan oo euro sanadkii halka uu haatan mushahar ahaan u qaato lacag dhan 30 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE