Marcelo Oo Seegi Kara Kulanka Chelsea Ee Lugta 2-aad Ee Champions League, Sabab

Marcelo ayaa lagu qasbi karaa inuu seego lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Real Madrid ay kula ciyaareyso Chelsea garoonka Stamford Bridge sababo la xidhiidha doorashooyin dhici doona.

Real Madrid ayaa u duuli doonta London 4-ta May ka hor kulanka laakiin Marcelo ayaa ka shaqeyn doona xarun codbixinta maalintaas ka hor doorashada Golaha Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa gudbisay codsi ay Marcelo uga qaadayso masuuliyada laakiin ilaa haatan may helin ogolaansho Rasmi ah.

Marcelo ayaa kaligiis u safri kara 5 bisha May isla maalinta Kulanka iyada oo ay Asxaabtiisa kale ku suganyihiin London.

Laakiin xiddiga ayaan ciyaari karin kulana sabab la xidhiidha in aanu Zidane halis galin doonin xiddiga maadama uuna ciyaari karin kulanka hadii uuna tababar la qaadan kooxda 24 saac ka hor kulanka.


Source: laacibfm

SHARE