Messi, Aguero & Ramos Oo Hogaaminaya Shax Waali Ah Oo Laga Sameeyay Xiddigaha Xorta Noqon Doona Xagaaga.

Suuq walba oo xagaaga ah waxa ku jira xiddigo magacyo waaweyn leh kuwaas oo lagu heli karo lacag la’aan ama qaab xor ah.

Kadib markii ay diideen in ay heshiisyo cusub saxiixaan waxa jira xiddigo waaweyn oo suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan lagu heli doono la’aan.

Xagaagan ayaan waxba kaga duwanaan doonin kuwii hore waxana jira xiddigo waaweyn oo u ciyaara kooxaha Liverpool, Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo uu heshiiskuudu dhici doono bilo yar kadib.

Wargayska Daily Star ayaa soo saaray shax ay ka sameeyeen xiddigaha xorta noqon doona xagaaga waxana shaxda hogaaminaya xiddigaha Aguero, Messi iyo Ramos oo ah magacyada ugu waaweyn ee xorta uga tagi doona kooxdooda xagaaga.

Wijnaldum, Messi, Aguero: Free Agents XI 2021

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE