Real Madrid Oo Heshay Badalka Fog Ee Karim Benzema & Qorshaha Ay Ku Doonayaan Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt Andre Silva sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Andre Silva ayaa qaadanaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo dhaliyay 26 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale 31 kulan oo uu ciyaaray tartamada kooxdan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid Adre Silva u doonayso saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe gaar ahaan dhinaca weerarka oo ay kaliya haysato Karim Benzema.

Isla warayska ayaa sheeaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay kooxda Eintracht Frankfurt u soo bandhigto xiddiga Luka Jovic oo haatan amaah kula joora si ay badalkiisa u helaan xiddiga Andre Silva.

Zidane ayaa xiddiga u arka mid booska kula tartami kara Karim Benzema waxana uu doonayaa in uu kooxdiisa keeno suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE