Ronaldo, Konate, Neymar, Lingard, Aguero, Messi, Odegaard, Sancho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Liverpool ayaa wali qorshaynaysa in ay la soo saxiixato daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate inkasta oo ay kooxdu shaacisay in ay dhaqaale lumis samayay sanadka (Mail).

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa sheegay in uu wadahadalo horumar leh kula jiro kooxda PSG si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda (RMC Sport).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Matthijs de Ligt (Sport).

Xiddiga Jesse Lingard ayaa kooxdiisa Man United ku qasbi doona in uu si toos ah uga tago kooxda Xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan (Eurosport).

Kooxda Inter Milan ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City (Caciomercato).

Madaxweynihii hore ee kooxda Barcelona ee Jordi Mestre ayaa sheegay in uu xiddiga Lionel Messi sii joogo doono kooxda Barcelona (Sin Concesiones).

Kooxda Real Madrid ayaa Arsenal u sheegtay in ay ka quustaan in ay qaab toos ah ula wareegaan xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard (AS).

Kooxda Man United ayaa Cristiano Ronaldo u sheegtay in uu 50% hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu soo laabto Old Trafford (Tutto Mercato).

Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho hadii uu Mohamed Salah ka tago kooxda xagaaga (Bild).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland hadii Maal qabeenka Daniel Ek iibsado kooxda (Express).

Kooxda PSG ayaa heshiis 3 sano ah miiska u saartay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi (TNT Sports).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa xagaaga dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho (Mail).

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay 156 milyan oo euro ku heli karto saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland (Express).

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE