Shaxda Rasmiga Ah Ee PSG Vs Man City: Labada Tababare Oo Ku Soo Galay Shaxo Adag.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor iman doono kooxda PSG kulan adag oo si weyn loo sugayo kana tirsan tartanka champions League.

Tababare Pep Guardiola ayaa kaydka dhigay xiddiga Raheem Sterling isaga oo booskiisa ku bilaabay xiddiga Riyad Mahrez isaga oo aan wax weerar toos ah ku ciyaarayn kulanka.

Dhanka kale xiddigaha Marquinhos iyo Mbappe ayaa taam u noqday kulanka kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawac shaki ugu jiray taam ahaanshohooda.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

PSG:Navas, Florenzi, Marquinhos, Kimpembe, Bakker, Gueye, Paredes, Di María, Verratti, Neymar, Mbappé.

Kaydka: Rico, Kehrer, Icardi, Rafinha, Danilo, Kean, Sarabia, Kurzawa, Herrera, Diallo, Draxler, Dagba

Man City: Walker, Stones, Dias, Cancelo, Rodri, Gundogan, De Bruyne, Mahrez, Bernardo, Foden.

Kaydka: Trafford, Ake, Sterling, Jesus, Aguero, Zinchenko, Laporte, Torres, Mendy, Fernandinho, Garcia

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE