Tuchel Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Xiddigaha Werner, Pulisic & Azpilicueta Kulankii Real Madrid.

Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in Cesar Azpilicueta, Christian Pulisic iyo Timo Werner laga saaray kulankii Chelsea ee 1-1 ku dhamaaday ee Real Madrid iyaga oo la daalaa dhacaya daal xilli ay kooxda ku jirtay jadwalka dhamaadka xilli ciyaareedka.

Pulisic ayaa dhaliyay goolka furitaanka xilli ay Blues garoonka Alfredo Di Stefano kala soo laabtay bar-baro u fiican u soo bixistooda wareega xiga.

Xiddiga Timo Werner ayaa dhankiisa si lama filaan ah isaga khasaariyay fursad kadib markii kubad loo hordhay gooka hortiisa laakiin uu Thibout Courtois sameeyay badaadin cajiib ah.

Tababare Thomas Tuchel ayaa bdal ku sameeyay xiddigaha Cesar Azpilicueta, Christian Pulisic iyo Timo Werner ka hor intii ayna ciyaartu dhamaan tababaraha ayaana sheegay in daal ay qabeen 3-da xiddig in ay sabab u ahayd badalkii uu ku sameeyay.

“Waxa aan kubada iska luminay marar badan waxana aan samaynay khaladaad”ayuu yidhi.

“Cesar Azpilicueta Waxa uu u muuqday mid daalan si la mid ah xiddigaha Christian Pulisic iyo Timo Werner”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE