Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Champions league Ee Real Madrid & Chelsea.

Kooxaha chelsea iyo Real Madrid ayaa bar-baro galay kuna kala baxay 1/1 kulankii ugu horeeyay ee Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Goolal ay kala dhaliyeen xiddigaha Christian Pulisic iyo Karim Benzema ayaa keentay in ay labada kooxood bar-bar ku kala baxaan kulanka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii champions League xalay.

1.Kooxda chelsea ayaa ciyaartay Markii 8-aad Semi-final-ka champions League waana kooxda ugu badan ee reer England ee sidaas samaysa.

2.Thiago Silva ayaa ah daafacii ugu da’da weynaa ee ka ciyaara Semi-final-ka champions League tan ilaa April 2011 markaas uu Ryan Giggs sidaas sameeyay.

3.Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 71-aad ee champions League waana xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda tartanka waxana kaliya ka dambeeya xiddigaha Cristiano Ronaldo, Lionel Messi & Robert Lewandowski.

4.Christian Pulisic ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee Reer America ah ee dhaliya gool Semi-final-ka champions League isaga oo sidoo kale ah xiddiga ugu yar ee chelsea u dhaliyay champions League Semi-final-ka tartanka isaga oo jiraa 22 sano 221 maalin.

5.Thomas Tuchel ayaa ah tababaraha ugu badan ee ka hor tagay Real Madrid ee aan guuldaro kala kulmin champions League waxana uu ka hor tagay 7 kulan 4 bar-aro iyo hal guul.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE