XASAASI: PSG Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Lionel Messi.

Kooxda PSG ayaa horay ugu socota isku dayga ay ku doonayso in ay ku hesho saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lioel Messi.

Kooxda reer France ayaa si aad ah u doonaya xiddiga reer Argentine kaas oo uu heshiiskiisa kooxda Barcelona dhici doono xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska reer Brazil ee TNT Sport ayaa sheegaya in ay kooxda PSG heshiis Rasmi ah oo laba sano ah miiska u saartay Messi si ay u helaan xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato rabitaanka Lionel Messi ee ah ku guulaysiga champions League maadama ay aaminsanyihiin in ay haystaan fursad ka fiican Barcelona marka laga hadlo ku guulaysiga tartanka.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE