Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Champions League Oo La Soo Saaray

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa noqday xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda champions League kadib markii uu xiddiga reer France dhaliyay goolkii ay kooxda Real Madrid bar-baraha kula gashay kooxda Chelsea.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay goolkiisii 72-aad ee tartanka champions league isaga oo la goolal ah Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Raul kaas oo dhaliyay 71 gool intii uu ciyaarayay kubada cagta.

Waxa gool dhalinta taariikhiga ah ee champions League hogaaminaya xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 134 gool waxana ku xiga xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo dhaliyay 120 gool.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo dhaliyay 73 gool isaga oo laba gool kaliya ka dambeeya xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda champions League.

The all-time top scorers in the Champions League

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.


Source: laacibfm

SHARE