Arsenal Oo Badalka Hector Bellerin Ka Arkootay Premier League.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Norwich City ee Max Aarons u calaamadsatay badalka Tooska ah ee Hector Bellerin.

Kadib markii uu Hector Bellerin ka baxay qorshaha Mikel Arteta ee dookha 1-aad ee daafaca Midig kulamadii ugu dambeeyay waxa soo baxaya warar sheegaya in ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso.

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddiga reer Spain kaas oo lala xidhiidhinayo kooxaha PSG iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Shabakada 90 Min ayaa sheegaysa in ay Arsenal u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Max Aarons si ay ugu badasho Bellerin kadib qaab ciyaareed cajib ah oo uu soo bandhigay xiddigu xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 30 milyan oo euro waxana uu kooxdiisa u ciyaaray 43 kulan horyaalka championship-ka isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku soo laabato premeir League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE