Arsenal Oo Guuldaro Kala Kulantay Villarreal Kulan Laba Kaadh Oo Casaan Ah La Bixiyay & Man United Oo Xasuuqday Roma.

Manchester United iyo Villarreal ayaa guulo ka soo hooyey lugta hore ee wareegga semi-finalka tartanka Europa League, iyagoo karbaashay Roma iyo Arsenal

Manchester United ayaa guul weyn ka soo hoysay Roma oo ay ku qaabbishay garoonka Old Trafford, waxaanay ku burburisay 6-2 iyadoo Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes ay min laba gool dhaliyeen.

Villarreal ayaa iyaduna 2-1 kaga badisay Arsena, iyadoo laba gool oo ay qaybtii hore u kala dhaliyeen Manuel Trigueros iyo Raul Albiol, hase yeeshee Arsenal ayaa waqti dambe la timid goolka barbarraha oo uu u saxeexay Nicolas Pepe.

Manchester United ayaa qaybtii hore waxay ku dhibaatootay garoonkeeda, iyadoo Roma ay hoggaanka 2-1 kula nasatay, waxaana ciyaartan oo uu gool-dhalinteeda furay Bruno Fernandes daqiiqaddii 9aad ka daba yimid Lorenzo Pellegrini iyo Dzeko.

Laakiin qaybtii labaad ayay Manchester United u awood sheegatay Roma, waxaanay la timid shan gool oo jawaab la’aan ahaa, iyagoo dhinaca walba kaga yimid difaaca Roma oo si dhab ah u kala daatay.

Edinson Cavani ayaa daqiiqaddii 48aad ee bilowga qaybta labaad waxa uu dhaliyey gool aad u qurux badnaa oo uu difaaca kusoo xeeladeeyey ka hor intii aanu kubbad awood badan ka sudhin shabaqa koorne fog oo aanu goolhayuhu hawaysan karaynin.

Edinson Cavani ayaa mar kale kusoo laabtay gool-dhalinta waxaana uu kooxdiisa hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 64aad, isagoo difaaca oo daawanaya uu ula soo baxay xeeladihii lagu yaqaanay waqtigii uu Talyaaniga joogay ee ay Roma xafiiltami jireen, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-2.

Qalad uu Chris Smalling ku galay Cavani ayaa lagu dhigay rikoodhe, waxaana kubadda soo qaatay Bruno Fernandes oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Pau Lopez, ciyaartana ka dhigay 4-2.

Manchester United oo muujinaysay awood badan ayaa heshay fursad kale iyadoo kubbad Cavani loo hor-dhigay goolka uu isku dayey in uu cidhib ku qabto, balse aanay u suurtogelin.

Paul Pogba ayaa si dhab ah u niyad-jabiyey Roma daqiiqaddii 75aad, waxaana kubbad uu Bruno Fernandes kasoo gaadhay dhinaca midig ee garoonka uu ku qabtay madax awood badan oo goolhaye Lopez aan siinin wax fursad ah oo uu kubadda ku joojin karo, waxaanay ciyaartu noqotay 5-1.

Mason Greenwood oo beddel kusoo galay ayaa ciyaarta kusoo xidhay gool uu kubadda kaga toogtay xerada ganaaxa dhexdeeda isagoo adeegsanaya lugtiisa midig, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 6-2 ay guushu ku raacday Manchester United.

Red Devils ayaa Khamiista dambe u safri doonta Talyaaniga oo ay garoonka Olimpico kula soo ciyaari doonto Roma.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE