Barcelona Oo Iska Khasaarisay Fursad Ay Hogaanka Ugu Qaban Lahayd Horyaalka La Liga, Granada Ayaa Garaacday.

Kooxda Granada ayaa garaacday kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo baaqi u ahaa labada kooxood kana dhacay garoonka Camp Nou.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday sidii la filayay oo ahayd qaab ciyaareed fiican oo ay Barcelona ku bilaabatay iyaga oo maamulayay ciyaarta waliba qaadayay weeraro aan kaal joogsi lahayn.

Kooxda Granada ayaa dhankooda difaaca galay iyaga oo Barcelona u diidayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Daqiiqadii 23-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Dhanka kale Granada ayaa qaadayay weeraro rogaal celis ah oo aan badnayd xilli ay inta badan goolkooda ka difaacanayeen kooxda Barcelona.

Xiddigaha Barcelona ayaa dhankooda sameeyay fursado cajiib ah oo ay ku sii dheeraysan karaan natiijada ciayarta kuna dili kareen laakiin kama faa’iidaysan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona hogaaminayso ciyaarta natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.

Qaybta dambe:

Kooxda Granada ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku  bilaabatay qaab dar-dar leh iyaga oo Barcelona ku sameeyay halis goolkooda ah xilli ay xiddigaha Barcelona sii wadeen maamulista ciyaarta.

Daqiiqadii 63-aad ayay kooxda Granada dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Darwin Machis kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay kana dhigay 1/1.

Kooxda Barcelona ayaa bilowday raadinta goolka hogaanka iyaga oo goobo galiyay xiddigaha kooxda Granada kuwaas oo galay daafac adag oo ay ku ilaashanayeen bar-baraha.

Xilli ay kooxda Barcelona raadinaysay gool ayay Granada ka naxsatay Wiilasha Ronald Koeman kadib markii daqiiqdii 79-aad dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jorge Molina kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Barcelona ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadaysay kooxda Granda si ay ugu yaraan u dhaliyaan goolka bar-baraha hal dhibic-na u badbaadiyaan.

Laakiin kooxda Granada ayaa si cajiib ah u difaacatay waxana ay ilaashadeen guusha iyo 3-da dhibcood ee ciyaarta waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona iska khasaarisay fursad ay hogaanka kula wareegi karaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE