Barcelona Oo Si Buuxda Ula Wareegi Doonta Hogaanka La Liga Kulanka Granada Ee Caawa.

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Granada kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo baaqi u ahaa kooxda.

Ronald Koeman ayaan haysan dhaawacyo cusub oo uu ka wal-walo xill ay kooxdiisu isha ku hayso in ay la wareegto hogaanka horyaalka La Liga.

Guul ay Blaugrana gaadho ayaa ka dhigaysa hogaamiyayaasha horyaalka La Liga iyaga oo kala wareegi doona hogaanka kooxda Atletico Madrid oo haatan 2 dhibcood ka horaysa.

Xiddiga Griezmann ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda isaga oo ah xiddiga ugu fiican kooxda kulamadii ugu dambeeyay soona dhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Griezmann ayaa Messi la hogaamin doona weerarka iyada oo uu Messi dhankiisa ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah waliba dhaliyay 9 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale kulamada uu ka hor tagay Granada.

Shaxda Suurtagalka ah ee Kulanka:

Barcelona: Ter Stegen; Mingueza, Lenglet, Pique; Busquets; Roberto, De Jong, Pedri, Alba; Messi, Griezmann.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE