Chelsea Oo Dajisay Qorshe Ay Romelu Lukaku Ugu Soo Celinayso Stamford Bridge.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayaan in ay kooxda dib ugu soo celiyaan xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddigaha Tammy Abraham iyo Olivier Giroud marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Blues ayaa kadib u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddigeedii hore ee Romelu Lukaku kaas oo wacdaro ka dhigaya kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay chelsea 90 milyan oo euro ugu dhaqaaqi doonto xiddiga Inter Milan si ay dib ugu soo celiso Stamford Bridge.

Romalu Lukaku ayaa dhaliyay 27 gool 40 kulan oo uu u saftay kooxda waxana uu ku dhawyahay in uu Inter Milan ku hogaamiyo horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE