Dani Ceballos Oo Haatanba Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkayga.

Xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos ayaa qirtay in uu doonayo ku laabashada horyaalka premier League sabab la xidhiidha in uu jecelyahay La Liga in ka badan horyaalka premier League.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa amaah kula jooga Arsenal isaga oo xagaagii 2019 kaga so biiray waliba u xidhay 74 kulan oo tartamada oo dhan ah kana mid tahay 37 kulan oo Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo waxana uu haatan xaqiijiyay in uuna sii joogi doono Arsenal wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

“Waxa aan soo qaatay qaab ciyaareed xun sababta oo ah si joogto ah qaab fiican uma soo bandhigin sanadkii hore, 6-dii kulan ee ugu dambeeyay waxa aan u ciyaray si fiican”ayuu Ceballos u sheeay Onda Cero.

“Hadii aan runta ka hadlo waan jecelahay horyaalka La Liga, Horyaalka Premeir League ayaa ah mid dhamaystiran laakiin qaab ciyaareedkaygu waxa uu ku fiicanyahay La Liga, amaah kale oo premier League ah waa mid ku adag aniga iyo Real Madrid”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE