DEG-DEG: Xiddig Real Madrid Muhiim Ah Oo Uu Soo Dhamaaday Xilli Ciyaareedkiisu Kadib Dhaawac Soo Gaadhay.

Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga daafaca Midig uga ciyaara ee D Dani Carvajal seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac cusub oo soo gaadhay.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa ayuu dhaawac muruqa ah soo gaadhay kulankii ay Real Madrid bar-baraha 1/1 ah la gashay kooxda Chelsea Kulankii champions League.

Xiddiga ayaa seegay tababarkii maanta oo khamiis ah waxana lagu sameeyay baadhitaan lagu xaqiijiyay dhaawaca.

Xilli ciyaareedka Carvajal waxa dhibay dhaawacyo xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya Real Madrid u saftay 15 kulan tartamada oo dhan.

Dhaawacan soo gaadhay ayaa haatan la macno ah in uuna xiddigu ciyaari doonin kulamada uga dhiman kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka ee 5-ta kulan ee horyaalka La Liga iyo kulanka champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE