Halkee La Kala Maryaa Tartanka Gool Dhalinta Champions League?

Tartanka champions Leageu ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la ciyaaray lugtii 1-aad ee Semi-final-ka tartanka champions league waliba la ogaan doono kooxaha final-ka isaga hor iman doona todobaadka dambe.

Tartanka Gool dhalinta ee champions League ayaa dhankiisa joogsaday iyada oo ayna xiddigo badan dhalin goolal kulamadii ugu dambeeyay ee tartanka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa wali hogaaminaya tartanka gool dhalinta isaga oo ilaa haatan dhaliyay 10 gool 8 kulan oo uu ciyaaray tartanka xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay 8 gool  isaga oo wali fursad u haysta in uu goolal dhaliyo maadama uu ciyaari doono lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka.

Xiddigaha Neymar, Morata, Salah, Giroud, En-Nesyri, Rashford Iyo Benzema ayaa dhamaantood wada dhaliyay 6 gool iyaga oo isku goolal ah tartanka xilli ciyaareedkan.

# Player Team Age Nationality Goals
1. Erling Braut Haaland Borussia Dortmund 20 Norway 10
2. Kylian Mbappe Paris Saint-Germain 22 France 8
3. Álvaro Morata Juventus 28 Spain 6
4 Karim Benzema Real Madrid 33 France 6
5. Marcus Rashford Manchester United 23 England 6
6. Mohamed Salah Liverpool 28 Egypt 6
7. Neymar Paris Saint-Germain 29 Brazil 6
8. Olivier Giroud Chelsea 34 France 6
9. Youssef En-Nesyri Sevilla 23 Morocco 6
10. Alassane Plea Borussia Mönchengladbach 28 France 5

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE