Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Chelsea

Sergio Ramos ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda inteeda kale ka hor kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Osasuna garoonka Estadio Alfredo Di Stefano sabtida.

Kabtanka Real Madrid ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu diyaar u ahaado doorashada Tababare Zinedine Zidane kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Chelsea Arbacada soo socota.

Zidane ayaa qiimeyn doona xaalada Ramos tababarka soosocda ee maalmaha soo socda wuxuuna go’aansan doonaa in daafaciisa dhexe uu diyaar u yahay inuu kusoo laabto shaxdiisa.

Warkan ayaa ah mid farxad u ah Zidane marka loo eego in ay kooxdu maanta dhaawac ku wayday xiddiga Dani Cavrjala kaas oo ku dhaawacmay kulankii chelsea ee champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE