Ronald Koeman Oo Fariin U Diray Lionel Messi Kadib Markii Ay PSG Dalab Rasmi Ah Miiska U Saartay Xiddiga.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman fariin ud diray xiddiga kooxdiisa ee Lionel Messi kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay PSG heshiis Rasmi ay miiska u saartay xiddiga reer Argentine.

Koeman ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu Lionel Messi sii joogo kooxda Barcelona waliba ciyaaraha kaga fadhiisto kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Xiddiga 32 jirka ah ayuu heshiiskiis Barcelona ee haatan dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatana wax heshiis cusub ah uma saxiixin kooxda.

Kooxda PSG ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Ronald Koeman ayaa sheegay in uu xiddigu sii joogi doono kooxda maadama uuna wax xiiso ah u qabin in uu ku biiro horyaalka Ligue 1.

“Wax xiiso ah uma qabo PSG, Ma garanayo in ay run tahay”ayuu Koeman yidhi markii wax laga waydiiyay heshiiska ay PSG u soo bandhigtay Messi.

“Waxa aan rajaynayaa in uu nala sii joogo, aniga ahaan waxa doonayaa in uu ciyaaraha kaga fadhiisto Barcelona sababta oo ah noloshiisa oo dhan halkan ayuu ku qaatay laakiin go’aanka kama dambaysta ah isaga ayaa iska leh”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu ku Jecelyahay Isaga Oo Aan Kuu Sheegin, 5-tan Arin Ee Muhiimka Ah Ayaa Kaaga Filan, Qodobka 5-aad U Fiirso.


Source: laacibfm

SHARE